Posts

Sidee loo baaraa oo loo xalliyaa dhibaatooyinka?

Sidee loo baaraa oo loo xalliyaa dhibaatooyinka? -------------------------------------------------------------------------------- Sheekadaan waxa aan kasoo xigtay buugga How To Stop Worrying And Start Living ee uu qoray Dale Carnegie.  Fadlan akkhriso illaa iyo dhammaadka sheekada. Aynu soo qaadanno arinta Galen Litchfield, nin aan sanado badan aqaannay, mid kamid ah ganacsatada Maraykanka ee Bariga fog, waliba ganacsatada heerka ugu sarreeya nin ah. Lichtfield, Shiinaha ayaa uu joogay 1942dii markii Jabaanaysku ay soo weerareen magaalada Shanghai. Waatanaa sidii uu iiga sheekeeyey mar uu marti iigu ahaa gurigayga. Wax yar kadibba markii Jabaanayasku ay qabsadeen dekedda Pearl Harbour ee Maraykanka, islamarkiiba waxa ay soo galeen magaalada Shanghai. Waxa aan maamule ka ahaa Asia Life Insurance Company oo Shanghai kutaalla.  Waxa ay iisoo magacaabeen nin  janamada ciidanka kamid ah si aan ugu wareejiyo masuuliyadda hantidada shirkadda oodhan. Xaaladdu meesha ay maray...